Sales and Marketing Manager – Hargeisa, Somaliland

Dahir Genral Trading Co

Sales and Marketing Manager – Hargeisa, Somaliland

Shaqo Cusub

22 january, 2022

booska: Madaxa maamulka, iibka  iyo Suuqgeynta (manager, sales and Marketing Manager)

Ku Saabsan Dahir General Trading Company

Shirkada dahir genral trading co waa shirkad ka shaqo gasha dalka barakaysan ee Somaliland taas oo shaqadeedu tahay soo dajinta iyo iibka alaabaha cuntada dhamaan gobolada Somaliland.

Kusaabsan Shaqada

Shirkada dahir waxey leedahey macaamiil faro badan oo ku nool daafaha gobolada Somaliland kuwaasi

  • xiiseeya rabanna adeega ay bixino. Shirkada dahir general waxay iibisaa alaabaha foodstuffka sida saliid sunflower oils, ketchup, peans,foul, soft iyo qaar kaloo badan. Si loo gaadho ujeedooyinka company-ga waxaa laga maarmaan ah in la helo maamule iyo shaqaale ka shaqeeya iibka iyo suuq geynta dhamaan alaabaha shirkadu keento. Hada waxaan raadineyna qof shaqaale ah oo noqda maamulka,Madaxa Iibka iyo Suuqgeynta company-ga dahir general.

Saacadaha shaqadu waxay ka bilaabmaysa 7:00 AM ilaa 12:00 PM galinka hore iyo 4:00 PM ilaa 7:30 PM fiidnimo. Xarunta shaqadu waa Hargeisa.

Qofkan waxaa la marindoonaa 3 bilood oo tijaabo ah (Probation Period) hadii uu shaqadiisa gudan kari waayo heshiiska loo cusbooneysiin mayo.

Shaqada Laqabanayo

Qofka Shaqaalaha ah waxaa laga rabaa si guud inuu maamulo dhamaan hantida iyo campany-ga xogtiisa iuo inuu kor u qaado Iibka iyo magaca company-ga. Bal aan eegno shaqooyinka ugu muhiimsan ee laga rabo qofkan:

  1. Maamulka guud ee company-ga dahir general trading company
  2. Sugida xogta macaamisha iyo xisaabtooda
  3. Xidhida xisaabta company-ga si maalin le ah iyo si bill le ahba
  4. Sameynta iyo fulinta siyaasaddo lagu kordhinayo iibka
  5. Kordhinta Macaamiisha ku xidhan Company-ga
  6. Lashaqeynta shaqaalaha kale ee company-ga
  7. Kashaqeynta wixii shaqo uu u diro maamulkiisu

Shuruudaha Qofka

Qof kaste oo shaqadan codsanaya waxaa laga rabaa inuu buuxiyo shuruudahan

  1. Waa inuu ahaado Muwaadin Soomaalilaander ah
  2. Waa inuu heysto Shahaadada Bachelor ee kuliyada Business Administration ama kuliyad u dhiganta
  3. Waa inuu leeyahay khibrad shaqo oo kabada 3 sanno, isagoo ka shaqeynayey Iibka iyo Suuqgeynta.

Codsiga

Qofkii raba inuu codsado shaqadan waa inuu raaco talaabooyinkan:

  1. Soo dir Warqada Codsiga (Application Letter) iyo CV-ga adigoo soo raacinaya shahaadooyinkaagii, Recommendation Letter, iyo wixii cadeymo kale aad heysato adigoo ku diraya axmedmd2@gmail.com
  2. Soo dir sawirkaaga, National ID Card-kaaga ama hadaad leedahay passport (hadaanad heysan dhib badan malaha lakiin qofkii heysta wey caawineysaa)
  3. Hal email oo kaliya soo dir oo qodobada sare oo dhami ku jiraan. Fariinta markaad direyso Magacaaga oo saddexan Subject uga dhig.
  4. Codsiga xafiiska laguma qabanayo. wixii faahfaahin ah la xidhiidh 634122182, 634570101

Wakhtiga uu Xidhmayo

Codsiyada waxaa la aqbalyaa uun laga bilaabo 22-jan, 2022 7:00 AM ilaa 30 – jan, 2022 12:00 PM.

 

………………………………………………………………………………………

QaranJobs.com

………………………………………………………………………………………

PLEASE JOIN US – QARAN JOBS

Follow us on our Social Media:

Telegram: https://t.me/qaran_jobs

Facebook Page: https://www.facebook.com/QaranJobs.so

Facebook Group: https://www.facebook.com/groups/somaliajobs

Linkedin: https://so.linkedin.com/company/qaranjobs

Twitter: https://twitter.com/QaranJobs

Instagram: https://www.instagram.com/qaranjobs

………………………………………………………………………………………

To apply for this job please visit gmail.com.

error: Content is protected !!