Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed
Shaqo banaan: Kulliyadda Waxbarashada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed
Takhasuska Physics and Math
(Major in Physics)
Horudhac:
Waxbarashada Sare ee wadanka waxay soo bilaabatay xilligii daakhilayadii Talyaaniga, iyadoo u qaabeysan hab Dugsi Sare, oo ay la socdeen tababaro xirfadeed.
1950kii ayaa maamulkii xil-gaarsiinta ahaa (Transition-Afis), wuxuu furay Machadkii Siyaasadda iyo maamulka.
Balse, waxbarasho sare oo tayo leh, waxay si rasmi ah uga bilaabatay wadanka sanadkii 1954-kii, ka dib markii maamulkii xil-gaarsiinta ahaa uu furay machadka Sharciga, Dhaqaalaha, iyo Cilmiga Bulshada, machadkana wuxuu toos u hoos tagayay Jaamacadaha ROMA iyo Padova, kuwaas oo u qaabilsanaa haqabtirka dhammaan agabka tacliimeed, Barayaasha iyo maamulkaba.
Sanadkii 1964-kii machadkani wuxuu bixinayay labo sano oo daraasad ah, oo lagu qaadanayay gudaha dalka, halka dhammeystirka labada sano ee kale lagu qaadanayay wadanka talyaaniga.
1-dii Diseembar 1969-kii, waxaa machadkii loo badalay labo kulliyadood oo kala ahaa: Kulliyadda Sharciga iyo Kulliyadda Dhaqaalaha ee JUS.
1971-kii waxaa iyagana la furay kulliyadihii Beeraha iyo Kiimikada, waxaana ku xigay furitaankii Kulliyadda waxbarashada oo la furay 1972-kii.
1973-kii waxaa la furay kulliyaddaha Caafimaadka, Jiyoolijadda, Xanaaanada & Daawada Xoolaha iyo Injineeriyadda.
Ugu dambeyn Jaamacadda Ummadda, waxaa saameeyey burburkii wadanka ka dhacay 1991.
waxaana Golaha Sare ee JUS ay go’aamiyeen in jaamacadda dib loo furo 16/8/2014.
Jaamacadda Ummadda , Waxay hadda bixisaa 12 kulliyadood, waxaana dhigata arday ka badan 7,500 arday. Waxayna ku shaqaysaa 5 xarumood oo ku kala yaal gobolada Benaadir, Galmudug iyo Puntland.
—————————————
Booska: Bare
Tirada: 1 qof
Xarunta Shaqada: Badhan, Puntland
Kulliyadda: Waxbarashada
Nooca Shaqada: Shaqo Joogto ah (Full-Time)
Mushaarka: Xuquuqda baraha waxaa lagu bixin doonaa nidaamka mushaar bixinta ee JUS.
Gunno: baraha wuxuu heli doonaa gunno dheeri ah.
Aqoonta, Xirfadda Iyo Dukumintisyada looga baahan yahay Codsadaha:
1. Waa inuu ka heystaa Shahaadada heerka 1aad Takhasuska Physics and Math
(Major in Physics)
2. Waa inuu ka heystaa Shahaadada heerka 2aad Takhasuska Physics and Math
(Major in Physics)
3. Waa in Celceliska dhibcihiisa noqdaa Darajada (B)
4. Waa Inuu leeyahay ugu yaraan 2 Sano oo xirfad iyo khibrad waxbarid heer Jaamacadeed.
Arji qabashadu waxey ku egtahay Sep 16, 2023.
Dhammaan daneeyayaasha jagadaan waxay soo buuxin karaan foomka hoose.
Dhammaad.

QaranJobs.com
………………………………………………………………………………………
PLEASE JOIN US – QARAN JOBS
Follow us on our Social Media:
Telegram: https://t.me/qaran_jobs
Facebook Page: https://www.facebook.com/QaranJobs.so
Facebook Group 1: https://www.facebook.com/groups/somaliajobs
Facebook Group 2: https://www.facebook.com/groups/qaranjobs
Linkedin: https://so.linkedin.com/company/qaranjobs
Twitter: https://twitter.com/qaran_jobs
Instagram: https://www.instagram.com/qaranjobs
Application: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.qaran.jobs
To apply for this job please visit docs.google.com.
QaranJobs.com – somali jobs – somalijobs – qaranjobs – Qaran Jobs Somali Jobs