Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed
Shaqo bannaan: Bare (2 qof), Kulliyadda Culuumta Bulshada (Saxaafada) – Muqdisho
Shaqo bannaan: Kulliyadda Culuumta Bulshada (Saxaafada)
Horudhac:
Waxbarashada Sare ee wadanka waxay soo bilaabatay xilligii daakhilayadii Talyaaniga, iyadoo u qaabeysan hab Dugsi Sare, oo ay la socdeen tababaro xirfadeed.
1950kii ayaa maamulkii xil-gaarsiinta ahaa (Transition-Afis), wuxuu furay Machadkii Siyaasadda iyo maamulka.
Balse, waxbarasho sare oo tayo leh, waxay si rasmi ah uga bilaabatay wadanka sanadkii 1954-kii, ka dib markii maamulkii xil-gaarsiinta ahaa uu furay machadka Sharciga, Dhaqaalaha, iyo Cilmiga Bulshada, machadkana wuxuu toos u hoos tagayay Jaamacadaha ROMA iyo Padova, kuwaas oo u qaabilsanaa haqabtirka dhammaan agabka tacliimeed, Barayaasha iyo maamulkaba.
Sanadkii 1964-kii machadkani wuxuu bixinayay labo sano oo daraasad ah, oo lagu qaadanayay gudaha dalka, halka dhammeystirka labada sano ee kale lagu qaadanayay wadanka talyaaniga.
1-dii Diseembar 1969-kii, waxaa machadkii loo badalay labo kulliyadood oo kala ahaa: Kulliyadda Sharciga iyo Kulliyadda Dhaqaalaha ee JUS.
1971-kii waxaa iyagana la furay kulliyadihii Beeraha iyo Kiimikada, waxaana ku xigay furitaankii Kulliyadda waxbarashada oo la furay 1972-kii.
1973-kii waxaa la furay kulliyaddaha Caafimaadka, Jiyoolijadda, Xanaaanada & Daawada Xoolaha iyo Injineeriyadda.
Ugu dambeyn Jaamacadda Ummadda, waxaa saameeyey burburkii wadanka ka dhacay 1991.
waxaana Golaha Sare ee JUS ay go’aamiyeen in jaamacadda dib loo furo 16/8/2014.
Jaamacadda Ummadda , Waxay hadda bixisaa 12 kulliyadood, waxaana dhigata arday ka badan 9,500 arday. Waxayna ku shaqaysaa 5 xarumood oo ku kala yaal gobolada Benaadir, Galmudug iyo Puntland.
—————————————
Booska: Bare
Tirada: 2 qof
Xarunta Shaqada: Muqdisho
Kulliyadda: Culuumta Bulshada
Nooca Shaqada: Shaqo Joogto ah (Full-Time)
Mushaarka: Xuquuqda baraha waxaa lagu bixin doonaa nidaamka mushaar bixinta ee JUS.
Aqoonta, Xirfadda Iyo Dukumintisyada looga baahan yahay Codsadaha:
1. Waa inuu ka heystaa Shahaadada heerka 1aad Takhasuska
Journalism &Communication
2. Waa inuu ka heystaa Shahaadada heerka 2aad Takhasuska Journalism & Communication
3. Waa in Celceliska dhibcihiisa noqdaa Darajada (B)
4. Waa Inuu leeyahay ugu yaraan 2 Sano oo xirfad iyo khibrad waxbarid heer Jaamacadeed.
Arji qabashadu waxey ku egtahay Oct 28, 2023.
Dhammaan daneeyayaasha jagadaan waxay soo buuxin karaan foomka hoose.
Qaabka Loo Codsanaya:
Si aad u codsato shaqadan ku soo dir faahfaahintaada recruitment@snu.edu.so

QaranJobs.com
………………………………………………………………………………………
PLEASE JOIN US – QARAN JOBS
Follow us on our Social Media:
Telegram: https://t.me/qaran_jobs
Facebook Page: https://www.facebook.com/QaranJobs.so
Facebook Group 1: https://www.facebook.com/groups/somaliajobs
Facebook Group 2: https://www.facebook.com/groups/qaranjobs
Linkedin: https://so.linkedin.com/company/qaranjobs
Twitter: https://twitter.com/qaran_jobs
Instagram: https://www.instagram.com/qaranjobs
Application: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.qaran.jobs
To apply for this job email your details to recruitment@snu.edu.so
QaranJobs.com – somali jobs – somalijobs – qaranjobs – Qaran Jobs Somali Jobs