
Wadaagsan LLC
Tartan Qandaraas: Dhisamaha Dayr Dhul ku yaal Xerada Kabka – Xero-Kabka Gaalkacyo, Puntland, Somalia
Tartan Qardaraas
Shaqadda: | Dhisamaha Dayr Dhul ku yaal Xerada Kabka |
Shirkadda Dhisanaysa: | Wadaagsan LLC. |
Meesha Laga Dhisayo: | Xero-Kabka Gaalkacyo, Puntland |
Maalinta la Xayeysiiyey: | 28/06/2021 Maalintuu ku egyahay: 04/07/2021 |
Supervisor: | Injineerka Shirkadda Wadaagsan LLC |
CONTACTS | Email: info@garacadseaport.com / invest@garacadseaport.com |
Tell: 0906791983/ 0907790777
Shirkada Wadaagsan:
Shirkada Wadaagsan waa shirkad maxalli ah oo gaar loo leeyahay, Waa milkiilaha iyo asaasaha dekada Garacad, waa shirkadii ugu horreysay nooceeda ah oo laga yagleelo geeska Africa, gaar ahaan Soomaaliya, xarunteeda dhexe waa Gaalkacyo, Gobolka Mudug Puntland-Soomaaliya. Waa shirkad loo aasaasay inay hormarin ku sameyso kaabayaasha dhaqaalaha, si gaar ah dekadaha, waxa ay hada gacanta kuheysaa dhismaha dekadda Garacad. Shirkadda Wadaagsan waxaa la asaasay Janaayo 2016, waxaana maalgashaday ganacsato iyo xirfadlayaal Soomaaliyeed.
Dekadda Garacad waa mashruuca ugu weyn ee shirkadu ay hadda gacanta kuheyso, waxaana uu ujeedkeedu yahay hirgalinta dekad casri ah oo dabooli karta baahiyaha dekadeed ee gobolka Mudug, gobollada dhexe, iyo degaanada Itoobiya iyadoo la hirgalin doono wado laami ah oo isku xirta Dekada Garacad iyo Kastamka Tuurdibi ee Xuduudka Dawlad Deegaanka Soomaalida iyo Puntland.
Shirkada Wadaagsan: waxay raadineysaa qandaraasle dhisme leh khibrad dhismo oo Gaalkacyo ka howl gali kara, kaasoo udhisaya Wadaagsan dayr dhagax ah lagu wareejinayo dhul ay shirkadu ku leedahay Xerada Kabka, dhulkaas oo cabirkiisu yahay; 40mx60m, iyo dayrka joogiisuna yahay 2m, lehna labo ganjeel oo waa-weyn oo deerka albaabo laga galo unoqda.
Mudada shaqada dhismaha darbiga: waa 3 isbuuc (21 cisho).
Shuruudaha xulista:
- Qandaraasluhu waa inuu ugu yaraan 5 sano soo shaqeeyey.
- Waa inuu kusoo cadeeyo warqadaha codsiyada uu soo direyo dhamaan xogta kusaabsan qandaraaslaha.
- Waa inuu cadyahay awooda uu uleeyahay inuu kusoo dhameeyo waqtiga loogu tala galay.
- Shaqooyinkii uu soo qabtay qandaraasluhu iyo waqtigii uu kudhameeyey.
- 6 maalin ayey soconeysaa soo dalbashada qandaraaska oo ku eg 04/07/2021 saacada 05:00 PM
Sida loo heli karo:
Cidii daneynaysa fadlan toos ha u timaado xafiiska Shirkada Wadaagsan ee Gaalkacyo oo ku yaal dhismaha Iftin Group, Dhabarka hore ee Garoonka Kubadda Cagta ee Cawaale, ama soo wac lambarada kuqoran si laguu siiyo ama laguugu soo diro waraaqaha qandaraaska.
Qaabka Loo Codsan karo
- Codsiga Qardaraaskaan waxaa lagu soo gudbin karaa baqshad xiran ama Email ay ku cadahay Qiimaha lagu dhisayo darbiga, Wakhtiga, sida laguula soo xiriiri karo.
- Cidda usoo gudubta liiska gaaban ee qandaraaska un baa lala soo xiriirayaa. Fadlan codsigaaga soo raaci teleefoon ama Email lagaala soo xiriiro
WC_GL00_Dhismaha-Derbiga-Xero-Kabka
QaranJobs.com
……………………………………………………………………
PLEASE JOIN US – QARAN JOBS
Follow us on Social Media:
Facebook Page: https://www.facebook.com/QaranJobs.so
Facebook Group: https://www.facebook.com/groups/somaliajobs
Linkedin: https://so.linkedin.com/company/qaranjobs
Twitter: https://twitter.com/QaranJobs
Instagram: https://www.instagram.com/qaranjobs