Erayo jaceyl oo leh dareen raaxo misana qalbiga taabanaya

Erayo jaceyl oo leh dareen raaxo misana qalbiga taabanaya

Qaabka loo soo jiito qalbiga qofka aad jeceshahay waa ay fududahay, kaliya waxaad u baahantahay in aad u dirto erayo jaceyl oo dareen leh gaar ahaan kuwa soo socdo oo kale.

Marka aad u dirto erayadaan waxaad arkeysaa iyadoo aad kuu xiiseyneyso.

Hadaba goormee la diraa erayo jaceyl oo dareen macaan wata?

Jawaab macquulka ah:

Waxaa fiican inaad erayo jaceyl u dirto jaceyl kaaga marka ay sheekadu mareyso meel macaan ah, gaar ahaan marka aad ka sheekeyneyso dareenkaaga sida uu yahay. waa fikirka dadka qaar ay qabaan.

Sidoo kale waxaad si fiican u fiirisaa marka sheekooyinkaaga si aad ah loo xiiseynayo iyadana waa muhiim inaad la wadaagto erayo tusinaya heerka jaceylkaaga uu taagan yahay.

Inaad cishqi iyo jaceyl leh run sheeg la wadaagto jaceyl kaaga waa wadada lugu wanaajin karo xiriirka luguna gaari karo is fahan iyo guur wanaagsan oo waara insha Allaah.

Erayo jaceyl dareen leh

Haddii raali gelintu ahaan lahayd laab gelintaada, waxaan kuu caroon lahaa sabab la’aan si aad laabta ii geliso.

Cimrigu waa ubax, noloshuna waa waqti, jaceylkuna waa raxmad, ubaxuna waa udgoon, hadaan u qalmo Amraneey xusuustaada igali.

Xusuusnow: Aduunku mid ku meel gaar ah, laakin jaceylka aan adiga kuu qabo waa mid aan dhamaad lahayn oo weligiis jiri doono. Waan ku jeclahay si xad dhaaf ah.

Aduunka waxaad ku tahay hal qof, laakin qof baad aduun u tahay. Qofkaasna waa aniga.

Jaceylku waa sida dagaal ku bilaawdo si fudud, wuxuuna ku dhamaadaa si adag, macquulna ma ahan in la iloobo. Isoo xasuuso haddii aan ahay qof adiga kugu weyn.

Kumanaan qof ayaa laga yaabaa in ay kuu soo diraan fariimo jaceyl laakin fariinteydu waa mid kuwaas ka duwan, maxaa yeelay waxay sidataa dareen farxad leh.

Tan iyo markii aan kula kulmay, waan yara ilmeeyaa, waan yara dhoola cadeeyaa sababtoo ah adiga ayaan ku heystaa, nolosheyda waxay joogtaa halka ugu wanaagsan.

Qalbigaa ku tebay haddii aanan saacado ku aragna waqtigu wuu ila dheeraadaa, dikaanka wadnahana wuxuu ii noqdaa mid boobsiis ah, ma hubo dareen nuucan ah inuu horey iisoo maray, laakin waxaan hubaa inaan kugu riyoodo dharaar iyo habeen, islamarkaana aan kuu riyaaqo indhuhuna ay adigu kugu doogsadaan.

Maxaa lagu gartaa jaceylka dhabta ah?

Jawaabta: Jaceylka dhabta ah waxaa lagu gartaa farxad iyo reyn reyn, waxaad noqoneysaa qof aad u faraxsan, waxaana mar walbaa hareerahaaga jooga qofka aad si dhab ah u jeceshahay.

Waxaad dareemeysaa naxariis. Waxaa kuu dhaw kalgacayl. Markaad maanta murugo dareento, waxaad heysataa qof murugadaasi kula wadaago, kuna dhiirogeliyo, had iyo jeerna  garabkaaga joogo.

Nin baa waxa uu jeclaaday gabar, maalin maalmaha kamid ah ayuu u diray fariin, taasoo ka turjumayso dareenkiisa dhabta ah iyo daacadnimadiisa. Fariintaasi waxay u qorneed sidaan.

Aniga iyo Jaceylkaaga

Marnaba ma aanan ogeyn sida ay noloshu farxad u noqon karto illaa aan arko suuradaada farxada leh. Qalbigeygu wuxuu u boodaa sida shimbir badeedka duula oo kale markasta oo aan adiga ku arko.

Tani waa wax aanan waligey horay u dareemin, ma qiyaasi karo waxa aan hadda dareemayo. Adigu waxaa tahay qof cajiib ah!

Markaan ka fikiro adiga iyo wada-hadalladeena hodanka ah, waxaan dareemayaa diirimaad gudaha ah. Ma qarin karo dhoolacadeynteyda, xitaa markaan kala maqanahay.

Xiriirkani waa mid gaar ah, oo cajiib ah, waxaana ku dhiirranayaa inaan iraahdo, qaddar.

Mararka qaar waxaa igaraacmo wadanaha, u xiiseynta iyo xiisaha aan dareemayo markaan adiga kaa fikiro. Waxaan rajeyneynaa taariikhdeena soo socota, inay noqoto mid qurux badan. Mid kastaa ha ka fiicnaato tii ugu dambeeysay haddii ay taasi xitaa macquul tahay.

Si daacad ah ayaan kuu jeclahay macaan badaneey/badanoow.

error: Content is protected !!