Fursad Dahabi ah: Deeq Waxbarasho Heerka 2aad oo Gaar u ah Gabdhaha Soomaaliyeed (250 Gabar) – Codsigu Wuu Furanyahay – 15 Takhasus!
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare waxay ku wargelinaysaa Gabdhaha Soomaaliyeed Deeq Waxbarasho jaamacadeed oo Heerka 2aad ah. Deeqdaan oo qeybka ah Mashruuca Rajo Kaaba oo ay iska kaashanayaan WWH&TS iyo Bangiga Adduunka, waa fursad waxbarasho sare, oo kor loogu qaadayo karaanka iyo kartida gabdhaha Soomaaliyeed gaar ahaan dhanka helidda shaqada iyo ka qaybgalka hoggaanka dalka.
Deeqdan waxbarasho oo ay ka faa’ideysandoonaan 250 gabdhood, waxaana lagu baran doonaa 15 Takhasus oo si toos ah uga jawaabaya baahiyaha Tacliinta sare ee dalkeenna, gaar ahaan xagga Waxbarashada, Cluumta Deegaanka, Hoggaaminta iyo hal-abuurka kobcinta karaanka bulshada, Tiknoloojiyadda, Sayniska, iyo Culuumta Bulshada. Waxbarashada waxaa fulindoona Jaamacadda Kenyatta oo kaashaneysa Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.
Shuruudaha Xulashada iyo Aqbalaadda:
1) Codsaduhu waa inuu noqdaa gabar Muwaadinad Soomaaliyeed oo haysata aqoonsi qaran (Warqad dhalasho, Passport ama NIRA ID).
2) Inay haysato shahaadada heerka kowaad ee jaamacadeed (bachelor’s degree) iyo shahaadada Dugsiga Sare oo ay aqoonsan tahay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare DFS.
3) Codsaduhu waa inuu ka gudbo imtixaanka/qiimaynta Afka Ingiriisiga ee ay qaadayso Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.
4) Codsaduhu waa inuu doorto Takhasus la xariira shahaadadiisa heerka koowaad taas oo celceliska darajada shahaadada aysan ka hoosayn 2.7.
5) Deeqda waxbarasho waxaa la bixin doonaa kaliya marka codsaduhu helo aqbalaadda oggolaanshaha Jaamacadda ee Takhasus ka uu doortay.
6) Codsaduhu waa inuu soo gudbiyo warqad uu ku qeexayo sababta uu u doonayo in la siiyo deeqda waxbarasho, baahida dhaqaale ee codsadaha, yoolalka tacliimeed iyo xirfadeed, iyo saameynta la filayo ee deeqda waxbarasho, ha noqoto horumarka shaqsiyadeed iyo horumarka guud ee Soomaaliya.
7) Deeqdaan waxbarasho waxay u furantahay haweenka ka shaqeeya qaybaha dowladda (Public Sector) iyo kuwa gaarka loo leeyahay (Private Sector).
8 ) Codsade-yaasha ka howlgala qaybaha dowladda, waa inay soo gudbiyaan warqad kasoo baxday xafiiskooda oo taageeraysa codsigooda (recommendation letter) taasoo damaanad qaadaysa islamarkaasna caddeynaysa sida ay uga bixi karaan ugana faa’iidaysan karaa deeqda waxbarasho.
9) Codsade-yaasha ka socda qaybaha gaarka loo leeyahay, waa inay soo gudbiyaan warqad kasoo baxday xafiiskooda oo taageeraysa codsigooda taasoo damaanad qaadaysa islamarkaasna caddeynaysa inay ka bixi karaan kana faa’iidaysan karaa deeqda waxbarasho.
10) Dhamaan warqadaha codsiyadu (Recommendation and intent letters) waa in ay ku qoranyihiin Afka Ingiriisiga.
Codsi gudbintu waxay ku egtahay 6-ka December 2025.
Qaab Loo Codsanayo:
Haddii aad shuruudahan buuxin karto fadlan mareegta ku soo dir codsiga iyo dhamaan documents-ka
https://scholarship.moe.gov.so/auth/signin

………………………………………………………………………………………
QaranJobs.com
………………………………………………………………………………………
QaranJobs.com – somali jobs – somalijobs – qaranjobs – Qaran Jobs Somali Jobs




